Animation

DEG DEG: Dagaal culus oo hada ka socda gudaha saldhigga dagmada beledweyne yuuse u dhaxeeya??

no responses
Thursday July 20, 2017 - 12:11 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka ka imaanaya Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya inuu halkaasi ka socdo iska hor imaad u dhaxeeya ciidamada Militariga iyo ciidanka Booliska.

Iska hor imaadkaan ayaa salka ku haayo arimo ku saabsan muran ka taagan magacaabista Taliyaha Saldhiga Booliska Magaalada Baledweyne.

Ciidan Militariga ka tirsan oo doonaya shaqsi ka mid ah ciidanka  Booliska in loo magacaabo Taliyaha Saldhiga ayaa la sheegay inay soo weraren Saldhiga.

Ciidamada Booliska ayaa iska caabiyay rasaasta, waxaana hadda lagu dagaalamayaa meel aanan ka fogeyn Saldhga Booliska Baledweyne.

Illaa hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay iska hor imaadka ka socda Saldhiga Booliska Baledweyne.