Breaking News Somali News

DEG DEG: Dagaal culus oo goordhaw ka qarxay xaafaddo kamid ah magaalada beledweyne

Dagaal xooggan ayaa hadda ka bilowday magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, wuxuuna u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo maleeshiyo beeleed.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii ciidanka dowladda ay damceen iney xarumo ka sameystaan xerooyin ku yaallay xaafadda Howlwadaag ee B/weyne, hase ahaatee ciidankaan kale ayaa kahor yimid.

Lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalka balse sarkaal  ka tirsan ciidamada dowladda ee la dagalamaya maleeshiyada ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalada ay wadi doonan ayna xaafadda ka sifeyn doonan maleeshiyada dagaalka kala hortagay ciidamada dowladda.

Dagaalka waxaa ku dhaawacmay mid kamid ah waxgaradka dagmada beledweyne oo isku dayaya in dagaalka uu joojiyo .

Hada dagaalka waa uu yara joogsaday balse waxaa la maqlaya rasaas goos goos ah oo labada dhinac ay is weydaarsanayan.

Related posts

Akhriso: Heshiis taariikhi ah oo ay kala saxiixdeen soomalia iyo turkiga maxaase kamid ah qodobada lagu heshiiyay?

Tifaftiraha K24

Wararki ugu danbeyay ee Shirki Madasha Wadatashiga..

admin

Dhagayso+Sawiro:- Xildhibaano Ku dhaawacmay Weraarkii Xarunta Barlamaanka Muqdisho & Rasaas la maqlayo wali

admin