Animation

DEG DEG: Dhageyso Dagaal Culus oo Dib uga Qarxay Magaalada Galkacyo iyo Rasaas Xoogan oo Cawada la Maqlaayo

no responses
Wednesday November 2, 2016 - 4:10 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka Ka Imaanaya Magaalada Galkacyo ayaa waxa ay sheegayan in Dagaal Culus uu ka qarxay Galbeedka Magaalada Galkacyo Galabta waxaana dagaalka uusii xoogeystay Salaada Maqrib Kadib.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu u dhaxeeyo Ciidamada Galmudug iyo Puntland waxaana la maqlaya Rasaas xoogan iyo Qoryaha Darandooriga u dhaca.

Lama Oga Sababta uu dagaalka u Bilowday Iyadoo ay Xusid Mudantahay Habeen un kadib markii Magalaada Abuu Dhabi ay heshiis Hordhac ah ay ku gaareen Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug iyo Puntland Heshiiskaasi oo ay qeyb ka aheyd in Colaada galkacyo si Deg deg ah loo Joojiyo.

Inta la Xaqiijiyay Dagaalka waxaa ku dhintay 7 Ruux oo dhinacyadii Dagaalamay ah waxaana jirta Madaafiic Culus oo kusoo Dhaceysa Gudaha Magaalada Galkacyo.

Cabsi xoogan ayaa soo Foodsaartay dadkii Maalmahan kusoo laabanayay Magaalada waxaana Dagaalka uu Rajo beel ku Ridaayay Rajadii laga qabay in Heshiiska Galkacyo uu Meel maro.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka