Animation

DEG DEG: Dagaal Beeleed aad u Culus oo Goordhaw ka Qarxay Duleedka Magaalada…..

no responses
Saturday November 26, 2016 - 7:55 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka naga soo gaaraya degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saakay dagaal uu ka bilowday duleedka degmada Baladweyne, kaasi oou dhexeeya maleeshiyo beeleed wada daga gobolka Hiiraan.

Dagaalka oo ka bilowday duuleedka Baladweyne ayaa lasoo sheegayaa in uu ka dhashay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkasta oo aan la ogeyn halka uu gaarsiisan yahay qasaarahaasi.

Balse masuuliyiin isugu jira heer gobol iyo heer degmo oo ay wehliyaan saraakiisha ciidamada dowladda iyo AMISOM ayaa lagu soo waramayaa in ay ku baxeen dagaalka, si loo joojiyo islamarkaana loo kala qaado labada maleeshiyo ee dagaalamaya.

Dagaalkaan ayaa kusoo beegmaya xili maalmo kahor magaalada Baladweyne laisku hor fariisiyey odayaal iyo waxgarad matalaya labada dhinac ee dagaalamaya, kuwaa