Somali News Top News

DEG DEG: Dableey Hubeysan oo Watay Gaari Nooha ah ayaa Rasaas ku Furay Shaqaale ka tirsan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo Mooto Bajaaj Saarnaa xili ay…

Ugu yaraan 1 Qoof oo Dumar ah ayaa lagu dilay Labo kale oo mid ka mid ah uu yahay qof Rag ah waxaa ka soo gaaray dhaawac kadib markii Koox watay Gaari Noah ah ay Rasaas ku fureen Gabdho saarnaa Mooto Bajaaj.

Qof ka mid ah Dadka Degaanka ayaa u xaqiijiyay Warbaahinta l in labada Gabadhood ay ka shaqeynayeen Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Xaafadda uu weerarka ka dhacay ayaa lagu magacaabaa Masjidka Quba oo ka tirsan Xaafadda Salaam ee Degmada Dharkenley.

Mid ka mid ah Gabdhaha oo lagu magacaabo Fowsiyo ayaa geeriyootay halka Shankarroon iyo Wadihii Mootada Bajaajta uu dhaawac ka soo gaaray weerarkaasi.

Maamulka Degmada Dharkenley oo aanu la hadalnay inoo sheegay in ay faah faahin ka bixindoonaan falkaasi marka uu soo dhamaado baaritaan ay wadaan.

Related posts

Daawo Sawiro: Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeyb galay Munaasabad loogu dabaal dagaayay Maalinta Shaqaalaha Aduunka oo 1-da May ku asteysan

admin

Nin da’ ah oo Ururka Al Shabaab ka tirsan oo maanta lagu soo bandhigay Magaalada Muqdisho

admin

Axmed Madoobe dib ugu labtay kismaayo iyo Gen Fartaag oo….

admin

1 comment

Comments are closed.