Animation

DEG DEG: Daawo Sawirro Ciidamada Ammaanka oo Gacanta ku dhigay Laba Nin oo Goordhaw Dagmada wadajir ku dishay Nabad-doon Caan ah

no responses
Wednesday November 2, 2016 - 2:45 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Ciidamada Ammaanka oo soo Bandhigay Kooxo Maanta dil ka geestay Gudaha Dagmada Wadajir Iyagoona dilay Nabad doon Caan a.

Ciidamada Ammaanka degmada Wadajir ayaa gacanta ku dhigay iyaga iyo hubkoodaba laba nin oo toogasho ku dilay xaafadda Xaawo Taako ee degmadaasi Nabadoon lagu magacaabi jiray Nabadd. Hilowle Xaafow, xilli uu ka soo baxayey Masaajid ku yaalla xaafadaasi,

Guddoomiyaha Dagmada Wadajir Axmed Cabdulle Afrax ayaa Warbaahinta u sheegay in Kooxda Dishay Nabad-doonka oo lagu Magacaabi jiray Hilowle Xaafow Gacanta ay ku dhigeen Ciidamada Ammaanka xili ay isku dayeen in ay Baxsadaan Balse Ciidamada ayaa Rasaas ku furay oo Dhaawac u geestay Maleeshiyada dishay Nabad-doon Hilowle.

Durbadiiba waxaa Goobta gaaray Masuuliyiin uu ka mid yahay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Ammaanka Gobolka Banaadir waxaana lagu wareejiyay Labada Nin ee Dilka u geestay Nabad-doonka.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada

fb_img_1478097298516 fb_img_1478097301705 fb_img_1478097303448 fb_img_1478097306675 fb_img_1478097308183 fb_img_1478097309724 fb_img_1478097311259