Animation

DEG DEG: Daawo Sawirrada Galmudug oo soo Bandhigtay Haweeneydii Kenyatiga aheyd ee Saakay Ay xooga kusoo Furteen Ciidamada Nabad Sugida Galmudug

no responses
Sunday October 30, 2016 - 1:35 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Dowlada Galmudug ayaa maanta soo bandhigtay haweeney ay afduub u heysteen koox burcad badeed ah oo xalay saqdii dhexe ay howlgal qorsheysan ku soo furteen ciidamada nabadsugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA.

Haweeyneyda oo warbaahinta la hadleysay ayaa tiri :- magaceygu waa Luzia waxaan ku jiray labo sano  gacan burcad badeed oo aan waxba ka aqoon nolasha una dhaqmaya sida duugaagii oo kale, ma heli jirin cuno fiican iyo biyo nadiif ah, marka aad ku jirto gacanta burcada noloshu qiimo kuuguma fadhiso oo waxaa dhaanta geerida, burcadu iima ay ogolaan jirin in aan wax xiriir ah la sameeyo qoyskeyga lkn maanta waxaan ku jiraa gacan badbaado oo ah tan Galmudug  waxaa isoo furtay ciidamada NISA ee Galmudug, markii aan soo galay gacanta dowlada Galmudug waxaan helay xoriyad iyo daaweyn maadaama aan xanuunsanaa, waxaana la xariiray qoyskeygii, markii aan la hadlay gabadha kaliya ee aan dunida ku leeyahay codkeyga markey maqashay ayay ooysay ilaa aan aniguna la ooyo, waxaanan u Mahad celinayaa guud ahaan dowlada Galmudug iyo ciidamadeeda, waxaanan leeyahay kooxaha yar yarkaa ee burcadka ah ma burburin karaan sharafta soomaaliya.

Dhanka kale madaxweyne ku xigeenka dowlada Galmudug maxamed xaashi cabdi ayaa sheegay in Ciidamada NISA ay xalay saq dhexe fuliyeen howlgalkan laguna guuleystay, madaxweyne ku xigeenka ayaa intaas ku daray in Galmudug ay ka go’antahay la dagaalanka alshabaab iyo burcad badeeda.

Ugu dambeyn ayuu madaxweyne ku xigeenku sheegay in ay la xiriireen safaarada kenya ee soomaliya ayna soo doonan doonaan haweeneydan.

Ciidamda nabdsugida iyo sirdoonka Galmudug ayaa horay u soo furtay nin lagu magacaabo James oo u dhashay kenya oo la wada afduubtay asaga iyo Luzia.

?

?

?

?

14826457_10206218048168953_838265405_n 14874904_10206218046648915_1913740590_n 14874908_10206218046928922_800303219_n 14875323_10206218042608814_904328894_n 14877697_10206218046568913_1509873148_n 14877721_10206218042448810_678004511_n 14886255_10206218044728867_1548360057_n