Animation

DEG DEG: Daawo Madaxweynihii Hore ee Soomaliya Shariif Shiikh Axmad oo Goordhaw soo Gaaray Muqdisho

no responses
Thursday September 22, 2016 - 10:56 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Waxaa Goordhaw Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ka soo dagay madaxweynihii Hore ee Soomaliya Shiikh Shariif Shiikh axmad iyo wafdi uu Hogaaminaayo.

Sheekh Shariif ayaa diyaarad qaas ah ka keentay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana soo dhoweeyay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Siyaasiyiin, Mas’uuliyiin, odayaal dhaqameedyo iyo Haween.

Sheekh Shariif ayaa waxaa ammaankiisa sugi doona Ciidamada AMISOM iyo ciidamo gaar ah, waxaana uu noqonayaa musharaxii u horeeyay ee ay ilaaliyaan ciidanka AMISOM.

Mudo Afar sano ayuu Shariifkamka maqnaay wadanka Manta ayuu soo laabtay Isagoo Musharax ah

Waxaa la filaaya in Shiikh Shariif uu Ol olahiisa Doorashada Uga Dhawaaqo Magaalada Muqdisho.

Halkaan Hoose ka Daawo Muuqaalka iyo Sawirrada soo Dhaweynta

 

diyaar-garow diyaar-garow4 shariif1 shariif2 shariif-111 shariif-1111 shariif-11112 shariif-gar soo-dhoweyn1 soo-dhoweyn111 soo-dhoweyn222 soo-dhoweynos