Animation

DEG DEG: Daacish oo deegaanada Puntland ka bilowday Arin Argagax ah iyo Madaxyada Seddex Ruux oo la gowracay oo lasoo dhigay….

no responses
Wednesday February 1, 2017 - 7:53 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Meyddka Seddex Ruux oo la gowracay ayaa waxaa lagu arkay tuulada Karin oo qiyaastii 50-km u jirta degmada Qandala ee gobolka Bari.

Dadkaan la gowracay ayaa la sheegay in ay kamid yihiin 5 ruux oo dhawaan kooxda daacish ay kala dagteen gaari rakaab ah waxaana meydadkooda lasoo raaciyay warqad ay ku qorantahay magacyadooda.

Goob joogayaal ku sugan tuulada oo arkay meydadkaan ayaa sheegay in madaxyadooda lasoo dhigay meel banaan ah oo tuulada kamid ah lana soo raaciyay waraqad waxaana loo maleynaya in kooxda daacish ee ku sugan qeybo kamid ah Puntland ay falkaani ka dambeyso.

Maamulka Puntland weli kama aysan hadlin dadkaan lagu gowracay deegaan u dhaw magaalada Qandala oo horay Ciidamada Puntland ay uga saareen maleeshiyada kooxda Daacish.