Animation

DEG DEG: Cumar C/rashiid oo qarka u saaran in uu tanasulo iyo safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho oo looga yeeray shariifka iyo Sharmaarke

no responses
Tuesday February 7, 2017 - 1:35 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Xog hoose oo goordhaw aan helnay ayaa waxa ay sheegeysa in safaaradda Imaaraadka carabta xarunteeda muqdisho looga yeeray musharixiinta kala ah shiikh shariif iyo cumar c/rashiid.

Labadaan musharax oo xalay muqdisho ku heshiiyay ayaa waxaa looga yeeray in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku tagaan xarunta safaaradda imaaraadka ay ku leedahay muqdisho.

Wararka laga helaayo wicitaanka deg dega ah ee labada musharax ayaa waxa ay sheegayan in imaaraadka uu shariif kala hadli doono in uu isbaheysi xoog badan la sameysto musharixiinta kale ee xasan ka soo horjeeda si loo hakiyo awooda xasan shiikh ee doorashada.

Xog kaloo madax banaan ayaa sheegeysa in diblomaasiyiinta imaaraadka carabta ee ku sugan xarunta safaaradda ay Cumar c/rashiid ka dalban doonan inuu u tanasulo shiikh shariif maadama shariifka uu inbadan ka taageero badanyahay sharmaarke.

Imaaraadka waxaa uu bixin doona dhaqaalaha ugu badan ee musharixiintaan ay ku gali doona saacadaha ugu dambeeya kaambeynka doorashada waxaana lagu qiyaasay lacagta ay imaaraadku bixin doonto lacag ku dhaw 60 Milyan oo doollar.

Warar ayaa sheegaya in Kulankii xalay iyo kan hadda uga socda Labada Musharrax ay dhalisay isfaham iyo is aaminaad ka dhax abuurantay iyadoo xog hoose ay sheegeyso in goor dhow Sharma’arke uu  tanasuli doono si Xildhibaanada Taageersan isaga ay shariif ugu codeeyaan.

Inkastoo cumar ay adagtahay in dalabkaan uu fuliyo hadana waxaa soo wajaheysa cadaadis xoogan oo Imaaraadka kaga imaanaya waxaana Sharmaarke loo balan qaaday lacago waali ah hadii uu shariifka u tanasulo iyo in jago sare loo dhiibo marka uu shiikh shariif soo baxo.

Facebook Comments