Animation

Deg Deg, Culumo caan ka ah Galgaduud oo xabsiga Dhuusamareeb hada lagu xirxiray

no responses
Monday September 12, 2016 - 11:26 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Wararka hada naga soogaraya magaalada dhuusamareeb ayaa sheegaya in Ahlusnunada maamusha deeganada Guriceel iyo dhuusamareeb ay xabsiga dhuusamareeb ku xireen saakay culumaa udiin caan aka ah deegaanka.

Culimada laxiraya ayaa waxay kala ahaayeen , Shiikh siciid shiikh Muxumed Cabdiraxmaan Gudoomiyihii Garsoorka Ahlusna ,Shiikh Cismaan xalaf , Macalin Cumar Macalin Xasan oo ahaa Khaadumkii Shiikh Maxamed Jamac yare iyo wiilal dhalinyaro ah .

Xariga culumadaan ayaa imanaya xili ay kuwajhanayeen dhuusmareeb si ay uga qeybgalaan munaasabada ciidul culimadaan ayaa saakay subaxdii hore ka soobaxay magalada Guriceel  Gobolka Galgaduud .

Dadka qaar ayaa sheegaya in ay ku soo eedeeyeen falal amnidaro iyo waxyaabo kale aan si waxbadan uga ogaano ayaan laxariirnay dadka deegaan waxa ay na sheegeen in ay layabanyihiin dhibaatada saakay loo geystay culimadaas aynatahay wax laga xumaado in sharafka culimada wax loo dhibo.

waxaan xariir lasameynay qaar ka mid ah maamulka deegaanka ka arimiya wayna ka gaabsadeen in ay kawaramaan arimahan laxariira culimada kuxiran dhusamareeb iyo sababta loo xiray.

balse bulshada ayaa walaac xoogan ka muujiyay arinta ku soo korortay deegaanka waxaana la ogeeyn halka ay ku danbeyn doonto xariga culimadaan , wixii ka soo kordha waxaad ka socon kartaan kismaayo24 .

ahluna

Facebook Comments