Breaking News Somali News Top News

DEG DEG: C/raxmaan Cabdi shakuur oo diiday in uu maxkamadda tago iyo go’aanka ay maxkamadda qaadatay

Siyaasiga C/raxmaan Cabdi shakuur ayaa maanta diiday in uu tago maxkamadda racfaanka gobolka banaadir oo shalay looga yeeray.

C/raxmaan cabdi shakuur ayaa maxkamadda u diray qareenkiisa abuukaate tahliil balse maxkamadda racfaankanayaa diiday qareenka waxaana ay maxkamaddu sheegtay in abuukaataha u doodaya c/raxmaan cabdi shakuur in uusan wadan warqadda wakiilashada sidaas darteedna uusan difaaci karin eedeysane c/raxmaan .

Intaasi kadib maxkamadda racfaanka gobolka banaadir waxa ay guda gashay dhageysiga dacwadda siyaasiga waxaana xeerilaalinta ay maxkamadda kusoo bandhigeen dacwada loo heysto siyaasiga oo ay kamid tahay in uu si toos ah ugu bareeray duminta qarannimada iyo ka shaqeynta hagar daamo dowladda cusub ee curdunka ah.

Lama oga go’aanka ay maxkamadda racfaanka ka qaadan doono kiiska dacwada ah iyo maqnaashiyaha eedeysane c/raxmaan cabdi shakuur warsame.

Related posts

Daawo Muqaal: Shiikh Shariif Sh.Axmad oo Arin Muhiim ah ka sheegay Dhalinyarada Soomalaiyed ee Baddaha ku dhamaaneysa

admin

Dood iyo muran ka dhashay Wiilashii Maanta Ciidamada Dowladda ay ku dileen Suuqa Bakaaraha

admin

Dhagayso:-RW/ Kuxigeenka DFS Oo Sheegay in Turkiga ay la samaysatay xariir ganacsi

Ahmed sudani