Animation

DEG DEG: Kursigii Ugu Adkaay Aqalka Hoose ee Hirshabeele oo maanta lagu kala Bixi doono Yaase ku Tartami doona???

one response
Friday November 18, 2016 - 10:56 under Top News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada Jowhar Waxaa Maanta Dib uga Bilaabatay Doorashada Xildhibaanada aqalka Hoose Kadib Markii Shalay uu u Baaqday Muran iyo Is qab qabsi ka taagnaay Habka Doorashada Kuraasta Aqalka Hoose.

Ergooyinka dooranaya Kursigan ayaa goor dhow lagu xariyay Hoolka shirarka axaana tartanka adag uu dhex mari doonaa Musharaxiinta kala ah C/qaadir Cosoble Cali iyo Muxiyadiin Xasan Jurus oo Beesha Warsangali ku abtirsada.

Kursiga Warsangeli Abgaal ayaa ahaa kan ugu adag ee Tartanka Kuraasta Aqalka Hoose ee Hirshabeelle, waxaana labada Musharax ee kala ah C/qaadir Cosoble iyo Muxiyadiin Jurus ay ku bixinayeen tartanka ay ugu jiraan kursigan dhaqaale aad u fara badan.

Muxudiin Jurus waa Musharax ay Maalgalineyso Madaxtooyada Soomaliya waxaana Madaxtooyada ay dooneysa in Kursiga Beesha Warsangali ay ku guuleysato Islamarkaana uu booskaasi kusoo baxo Muxudiin Jurus si Meesha looga Saaro C/qaadir Cosoble.

C/qaadir Cosoble sida la sheegay Waa Musharax markale u taagan in uu u Tartamo Madaxtinimada Soomaliya Balse Xasan Shiikh ayaa Juhdi weyn ku Bixinaya sidii meesha looga saari laha Cosoble.

Doorashada Aqalka Hoose ee Hirshabeele waxaa Natiijada Kursigaan wada sugaayay Bulshada Soomaliyeed oo ilgaar ah ku haaya Cida soo bixi doonta .