Animation

DEG DEG Colaadi Galkacyo oo faraha ka baxday iyo Gaas iyo Guulled oo Telefoonka iskaga hanjabay.

no responses
Saturday November 28, 2015 - 11:09 under Somali News by admin
mqdefault

Magaalada Galkacyo ee xarunta Gobolka  Mudug waxa ka socda dagaal faraha loga gubtay dhaliyayna qasaaro badan.

 

Dagaalkaan ayaa waxaa u dhexmaraya Ciidamada Puntland iyo Kuwa Galmudug waxana la isku adegsanaya Madaafic cul culus oo ay ka mid yihiin kuwa  kuwa taangiyada ka  dhaca iyo kuwa Mortarada laga rido.

 

Dagaalkaan ayaa faraha ka sii baxay ka dib marki saacado ka hor ay khadka telefonka isku hadal dhaafeen Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweynaha Puntland.

 

Waan waan ay waday Dowlada Somalia gaar ahaan Raisalwasaraha Somalia ayaa fashil ku soo dhamatay kadib marki uu Madaxweyne Gaas ku gacan sayray 3 qodob oo waan waantaasi shardi u ahaa.

 

Dagaalka waxaa uu iminka i socdaa si xowli ah waxana uu ku sii siqaya dhanka Garoonka diyaaradaha Cabdilahi Yusuf Lama saadaalin karo xaalka meesha uu ku danbeyn doon.

K24 kala soco wararki ugu danbeyay ee dagaalka gaalkacyo.