Animation

DEG DEG: C/llaahi Goodax Barre, Mina Xasan Shibis, Maxamed Cumar Ceemooy iyo Xildhibaan kale oo Maanta Jowhar lagu doortay

no responses
Thursday December 1, 2016 - 11:55 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada Jowhar waxaa maanta dib uga furmay Doorashada Kuraasta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka soomaliya oo Maalmahan Hakad ku jirtay.

Doorashada Maanta jowhar ka dhacday Xasaasi ayey aheyd Maadama ay ku tartameyeen Xubno aad u culus oo Miisaan ku leh siyaasada.

Doorashada Maanta markale ayaa lagu murmay waxaana Muran xoogan uu ka dhashay Natiijada kuraasta Qaar ee Maanta la doortay.

Inkasto doorashada ay u dhacday si Nabad ah hadana waxaa goobta doorashada ka socotay hareeyay Muran xoogan iyo is qab qabsi.

Hadaba Halkaan hoose ka Aqriso Xildhibaanada Maanta lagu doortay Jowhar.

1.Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre, oo ku soo baxay 32 cod.
2.Maxamed Cumar Ceemooy, oo ku soo baxay 26 cod.
3.Mina Xasan Shibis, oo ku soo baxday 27 cod.
4.Farxiyo Maxamuud Dhaqane oo ku soo baxday 43 cod.
5.iyo Dahabo Suusow oo ku soo baxday 27 cod.