Animation

DEG DEG: Ciidanka Galmudug & Maleeshiyaad taabacsan Puntland oo dagaalamay….

no responses
Monday September 5, 2016 - 3:48 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Dagaal ayaa maanta ka dhacay Docolo Ooman oo ka tirsan miyiga Deegaanka Ceel bardaale ee Degmada jariiban, waxaana dagaalku uu u dhexeeyaa Xoolo dhaqato iyo Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Galmudug oo duulaan soo qaaday.

Nabadoon Raage Maxamed Gaani ayaa noo xaqiijiyay in dagaalka lagu soo qaaday Xoolo dhaqata ayna ka qaybgaleen tiknikada Galmudug sida uu hadalka u dhigay.

Dagaalka Khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhahsy walina tirakoob rasmi ah kamaan helin labada dhinac.

Reer Guraaga la weeraray ayaa ka feejignaa weerar uga yimaada dhanka Galmudug maadaama mudooyinkii dambe nawaaxiga Ceel Bardaale ilaa bali busle ay ka jireen dhaq dhaqaaq ciidan.