Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Breaking News Somali News

DEG DEG: Ciidan kawada Tirsan Al shabaab oo dagaalamay & Sarkaal sare oo la dilay…[MAGACIISA]

Wararka ka imaanaya Degaanka Shaw oo Hoostaga Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ay kuwda dagaalameen Dagaalameyaal ka wada tirsan Xarakada Al-shabaab.

Dagaalka dhexmaray Dagaalameyaasha ka wada tirsan Shabaab ayaa la sheegay inuu ka Biloowday Dhaqaale ay ka Aruuriyeen Dadka ku nool Degaanka Shaw iyo Tuulooyinka Hoostaga.

Dagaalka ayaa Dhaliyay Dhimasho iyo Dhaawac soo kala gaaray Dagaalameyaasha ka wada tirsan Xarakadda Shabaab ee dagaalku uu dhexmaray,inkastoo aan la heyn Tirada Rasmiga ah ee Dagaalka ay iskaga dileen.

Dadka Dhintay waxaa la sheegay inuu ku jiro Guddoomiyihii Al-shabaab ee Degaanka Halgan Maxamed Cumar Bucshur.

Xaaladda Degaanka Shaw ayaa Kacsan,waxaana laga Cabsi qabaa in mar kale ay Dagaalamaan Ragga ka wada tirsan Shabaab ee Halkaas Xalay ku Dagaalamay.

Related posts

Faalo: Guuled Gal- Mudug Utali

admin

Masuul laga mamnuucay Magaalada kismaayo oo Amisom xoog ugu celineyso.

admin

DEG DEG. Madaxweyne Xasan Sheikh oo Kismaayo ka dagay.

admin