Animation

DEG DEG: Ciidamo uu Hogaaminaayo Wasiirka Hub ka dhigista iyo Dhaqan Celinta Maleeshiyaadka Koonfur Galbeed oo Goordhaw la wareegay Deegaanka……

no responses
Thursday November 3, 2016 - 11:28 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka ka Imaanaya Deegaanka Goof-gaduud ee Gobolka Baay ayaa  Waxa ay sheegayan in Goordhaw Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ay la Wareegen Deegaanka oo ay Malmahan ku sugnaayeen Alshabaab.

Ciidamo ka tirsan Koonfur Galbeed oo Tiradooda lagu qiyaasay 500 oo Askari ayaa a sheegay in ay gudaha u galeen Deegaanka Goof-gaduud Alshabaab ay Magaalada ka baxeen.

Ciidamada Koonfur Galbeed waxaa Hogaaminaya sida la sheegay Wasiirka Hub ka dhigista iyo Dhaqan Celinta Maamulkaasi Xasan Xuseen Maxamed Eelaay iyo Saraakiil kale.

La Waregida Ciidamada Koonfur Galbeed ee Goof-gaduud ayaa waxa ay timid ka gadaal Markii Alshabaab ay Dagaal la’aan magaalada Uga abxeen Ciidamada Koonfur Galbeedna ay magaalada soo galeen iyagoo aan la Kulmin wax iska Caabin ah.

Wasiirka hub ka dhigista iyo Dhaqna Celinta Koonfur Galbeed iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa lagu wadaa in warbaahinta ay la hadleen ayna ka warbixiyaan Howlgalkaan lagu wareegay Deegaanka Goof-gaduud Ee Gobolka Baay.