Animation

DEG DEG: Ciidamo ka tirsan milatariga soomalia oo gadoodsan ayaa goordhaw la wareegay xarunta wasaaradda…..

no responses
Thursday May 18, 2017 - 11:12 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Ciidamo gadoodsan oo ka tirsan milatariga soomalia ayaa goordhaw waxa ay la wareegeen xarunta wasaaradda gaashaandhigga ee magaalada muqdisho.

Ciidankaan oo watay gaadiid dagaal ayaa gudaha u galay xarunta wasaaradda gaashaandhigga sida aynu wararka ku heleyno .

Waddooyinka soo gala xarunta wasaaradda gaashaandhigga iyo wadada warashadaha ayey ciidankaan isku gadaameen iyagoona diiday in wadadaas la isticmaalo.

Ciidanka ayaa sheegaya in ay ka gadoodsanyihiin mushaaraadkooda oo aan la siin kana maqan dhowr bilood waxaana ay fariin u direen madaxda dalka ugu sareyso.

Waa markii labaad oo ciidamo ka tirsan xoogga dalka ay gadood ka sameeyaan magaalada muqdisho tan iyo markii la doortay madaxweyne maxamad c/llahi farmaajo.