Animation

DEG DEG: Ciidamo hubeysan oo garoonka cadaado ka celiyay guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka galmudug oo muqdisho ka dhoofay

no responses
Sunday February 5, 2017 - 10:08 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Garoonka magaalada Cadaado wararka aynu hada ka heleyno waxa ay sheegayan in Wafdi uu horkacaayo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Galmudug Cali xareed loo diiday in ay gudaha u galaan magaalada cadaado.

Ciidamada Ammaanka Maamulka galmudug ayaa Cali xareed ka hor istaagay in uu galo cadaado isagoo kasoo dagay diyaarad ka soo qaaday magaalada muqdisho waxaana ciidanka ay guddoomiye ku xigeenka ay ku wargaliyeen in uu ku laabto diyaaradii xamar ka kentay uuna dib u aado muqdisho.

Lama oga sababta ciidamada Ammaanka ay Cali xareed ugu diideen in uu Cadaado gudaha u galo waxaana qaar kamid ah xildhibaanada ay sheegeen in guddoomiyaha iyo wafdigiisaba loo diiday in cadaado ay soo galaan.

Cali xareed iyo wafdigiisa waxa ay saakay ka soo ambabaxeen garoonka diyaaradaha aadan cadde ee magaalada muqdisho markii cadaado ay kasoo dagteena waxaa loo sheegay in ay ku laabtaan isla diyaaradii ka keentay muqdisho oo aysan cadaado soo gali karin.

Gudoomiye Cali Xareed waxa uu maalmahan ku sugnaa Magaalada Muqdisho isagoona halkaasi uu kula kulmay xubno ka socda beesha caalamka kuwaasi oo uu kala hadlay Xaalada Galmudug.

Maamulka Galmudug weli kama aysan hadlin sababta ka dambeysa in guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka galmudug loo diido in uu cadaado gudaha u galo waxaana tani ay kusoo beegmeysa iyadoo uu cirka isku sii shareeraayo khilaafka xoogan ee u dhaxeeya madaxweynaha xilka laga qaaday iyo xildhibaanada galmudug.

Facebook Comments