Animation

DEG DEG: Ciidamo garab ka helaya galmudug oo ahlu-sunna kala wareegay xeraale iyo mareer-guur iyo dagaal hadda ka socda duleedka dhuusa-mareeb

no responses
Wednesday August 23, 2017 - 10:14 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Wararka aynu ka heleyno gobolka galgaduud ayaa waxa ay sheegayan in ciidamo Beeleed la sheegay in ay garab ka helayaan Kuwa maamulka Galmudug ay maanta si buuxda ula wareegeen deegaanka Xeraale ee gobalka Galgaduud oo ay maalmahaan ka socdeen dagaalo culus.

Ciidamo oo aad u hubeysan ayaa waxaa sidoo kale ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Mareer-gur oo ay maamulayeen ahlusunna waljamaaca.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ah ay kusii socdaan dagmada dhuusa-mareeb oo xarun u ah maamulka ahlusunna.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Ciidanka la wareegay mareer-guur iyo xeraale ayaa wararka qaar waxa ay sheegayan in ay ku jiraan ciidamada 21-aad ee dowladda federaalka balse warkaasi lama xaqiijin weli.

Maamulka ahlu-sunna saraakiil ka tirsan oo warbahainta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in duulaan lagu soo qaaday deegaano ay maamusho ahlu-sunna oo nabad ay ka jirto waxaana ay sheegeen in ay iska difaaci doonan duulaankaasi.

Dagaalka hadda ka socda duleedka dagmada dhuusa-mareeb ayaa waxa uu yahay mid marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaya waxaana huwanta ay doonayan in gabi ahaanba la wareegaan dhuusa-mareeb.

 

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.