Somali News

DEG DEG: Ciidamo gadoosann oo ka tirsan Milatariga Soomaliya oo Goordhaw la wareegay…..

Sida ay sheegayan Warar goordhaw aan ka helnay qeybo kamid ah Gobolka Shabeelada dhexe Ciidamo gadoodsan ayaa la wareegay Dhowr koontarool oo lagu qaado Lacago Canshuuro ah kuwaasi oo ku yaala Deegaano Hoostaga Jowhar iyo Balcad.

Ciidanka ayaa la sheegay in ay ka Cabanayeen Mushaar la’aan Waxaana ay qabsadeen Saddex Kontorool oo ku kala yaal Deegaanada Qalimow, Garsaale iyo Ceelka-Geelow oo hoostaga Degmooyinka Jowhar iyo Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Ciidanka wax dagaal ah kalama aysan kulmin Ciidankii Fadhiyay Koontaroolada lagu qaado Lacagaha Lagu sheego Canshuurta waxaana Saraakiisha Ciidamadaasi hogaamineysa ay sheegeen in Ciidanka ay weli helin xaqooda ayna ku qasbanyihiin in Gadood ay sameeyaan si Xaqooda ay u helaan.

Ciidanka la wareegay Koontaroolada ayaa la sheegay in ay ka tirsanyihiin Milatariga Soomaliya oo ku sugan Gobolka Shabeelada Dhexe.

Maamulka Gobolka ayaa ku howlan sidii ciidankaasi looga qaadi lahaa Koontaroolada ay la wareegaan waxaana hada socda wada hadal u dhaxeeya Saraakiisha Ciidanka Gadooday hogaamineysa iyo Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka.

Related posts

Dhageeyso:-Gudi Loo Xil Saaray Qaban-qaabadda Doorashadda Gal-mudug

admin

C/wali Muudey oo ka horyimid Hadal heyska Nabad iyo Nolol isagoona sheegay in aan dowladdu loogu yeeri karin

admin

TOP NEWS: Dhageyso Salaadiinta Beesha Mareexaan oo si kulul uga hadlay Amar dhawaan kasoo baxay Maamulka Beled-xaawo oo lagu xadidaayo Qarashka Guurka

Tifaftiraha K24