Animation

DEG DEG: Ciidamada Nabadn Sugida Galmudug oo Howlgal qorsheysan ku dilay Sargaal sare oo Alshabaab ah+Magaciisa iyo halka lagu dilay

no responses
Wednesday February 1, 2017 - 11:44 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Faah faahin dheeraad ah ayaa waxaa laga helaya Ciidamada Nabad sugida Galmudug oo Howlgal qorsheysna ka fuliyay dagmada xarardheere ee Gobolka Mudug.

Howlgalkaan waxaa lagu dilay Madaxii Maaliyada Alshabaab ee Gobolada Dhexe sida ay sheegeen saraakiisha Nabad sugida Galmudug.

Ciidamada waxa ay beegsadaan sargaalkaan xili uu ku sugnaay dagmada Xarardheere waxaana markii dambe ciidanka u suurta gashay in ay qaarajiyeen Sargaalkaan oo Magaciisa lagu soo gaabiyay Carab.

Taliyaha Nabad Sugidda Galmudug Saadaq Cumar Xasan  oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidan gaar ah oo ka tirsan NISA ay Sargaalka ku qaarajiyeen Magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Alshabaab weli kama aysan hadlin Sargaalkaan sare ee looga dilay Dagmada Xarardheere mana jirto faah faahin dheeraad ah oo laga helay sida uu howlgalkaan u dhacay iyo waqtiga uu dhacay toona.