Animation

DEG DEG: Ciidamada Huwanta ee Isgarabsanaya oo Alshabaab kala Wareegay Deegaan Muhiim ah oo ka tirsan Gobolka ……

2 responses
Tuesday November 15, 2016 - 9:27 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka aynu Goordhaw heleyno ayaa Waxa ay sheegayan in Ciidamada Dowlada oo Garab Milatari ka helaya Ciidanka Amisom ay Alshabaab kala wareegeen Degaanka Miir-tuugo oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe.

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Amisom ayaa Deegaanka kasoo galay ilaa Dhowr Jiho waxaana Shabaabkii deegaanka ku sugnaay ay Isaga Baxeen Magaalada Iyagoo wax Dagaal ah aan kala hortagin Ciidanka Huwanta.

Saraakiil ka tirsan Milatariga Soomaliya oo Howlgalka lagu qabtay Deegaanka Horkacayay ayaa Warbaahinta u sheegay in Hada Deegaanka Miir-tuugo ee Gobolka Sh.dhexe ay Gacanta ku haayan Ciidamada Xooga Dalka.

Ciidankii Magaalada la wareegay ayaa Hada waxa ay wadaan howlgalo ay ku baarayan Xaafadaha Magaalada waxaana sidoo kale Ciidanka ay Wadaan Miino Baaris Guud iyadoo laga Cabsi qabo in Shabaabkii Magaalada isaga Baxay in Miinooyin ay Magaalada ku Aaseen.