Animation

DEG DEG: Ciidamada Gaashaan oo Goordhaw la wareegay Xarunta Baarlamaanka kadib markii laga war helay in…..

no responses
Sunday February 5, 2017 - 9:12 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka aynu hada ka heleyno xarunta Golaha shacabka ee baarlamaanka soomaliya ayaa waxa ay sheegayan in goordhaw ciidamo ka tirsan Nabad sugida Soomaliya gaar ahaan ciidanka loo yaqaan Gaashaan ay la wareegeen xarunta Golaha shacabka oo ay ka socoto khudbad jeedintii ugu dambeysay ee musharixiinta.

Ciidamada Gaashaan ayaa la wareegay ammaanka xatunta Golaha shacabka waxaana warar hoose oo soo baxaya ay sheegayan in laga war helay qaraxyo loo maleegay in lagu weeraro baarlamaanka soomaliya.

Laamaha ammaanka weli kama aysan hadln xaaladda soo korodhay oo ku aadan ammaanka xarunta golaha shacabka oo maalmihii ugu dambeeyay ay ka socotay khudbad jeedinta musharixiinta.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa waxaa soo wajahay qal qal xoogan oo ammaankooda ah kadib markii mar qura xarunta golaha shacabka ay la wareegeen ciidamada Gaashaan oo kamid ah ciidamada NISA ee aadka u tababaran .