Animation

DEG DEG: Ciidamada dowladda iyo kuwa itoobiya oo alshabaab kala wareegay deegaan istaraatiiji ah oo ku yaala gobolka….

no responses
Wednesday May 3, 2017 - 11:26 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Ciidamada dowaldda iyo kuwa itoobiya ayaa goordhaw alshabaab kala wareegay deegaanka halgan ee gobolka hiiraan.

Ciidamada ayaa dagaal la’aan la wareegay deegaanka halgan markii alshabaab ay faarujiyeem deegaanka oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay gacanta ku haayeen.

Deegaanka Halgan oo ka tirsan Degmada Buula-Barde ee Gobalka Hiiraan ayaa waxa uu ahaa deegaan is taraatiiji ah oo la isaga Gudbo Magaalooyinka Buulla-Barde iyo Baladweyn, Ciidamada iyo mas’uuliyiinta Gobalka ayaa dhib ku qabay deegaankaasi oo Al-shabaab mar walba kaga soo qaadi jiray weerar dhabba gal ah.

Gudoomiyaha Deegaanka Halgan ee Gobalka Hiiraan Guhaad Cabdi ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidanka huwanta ay si rasmi ah ula wareegeen gacan ku heynta halgan oo alshabaab ay ka carareen waxaana uu ku tilmaamay guul usoo hoyatay dadka deegaanka ku nool .