Animation

DEG DEG: Ciidamada dowlada oo Xasuuq ka geystay Dhisme Jaamacadeed oo ku yaala magaalada muqdisho

no responses
Monday November 16, 2015 - 7:15 under Breaking News by admin
mqdefault
Spread the love

Wararka naga soo gaaraya Degmada Daynile ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Daraawiisha dowlada Soomaaliya ay dad rayid ah ku xasuuqeen Xaruntii Jaamacada Gaheyr  ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamo uu hogaaminayay sarkaal ka tirsan ciidamada daraawiishta ay rasaas ku fureen dad shacab ah oo halkaasi maamulka degmada Dayniile uu ugu qeybinayay kaarar.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in dadka ay ahaayeen kuwo masaakiin ah oo safaf ugu jiray helitaanka kaararka oo maalmahaan laga qeybinayay degmooyinka gobolka Banaadir.

Inka badan 10 ruux ayaa la sheegayaa iney ku dhinteen rasaastaasi lagu furay dadka shacabka ah ee ku sugnaa xaruntii jaamacada Gaheyr.

kismaayo24.com

Facebook Comments