Animation

DEG DEG: Ciidamada Dowlada iyo Kuwa AMISOM oo Goordhaw Alshabaab kala Wareegay deegaanno muhiim ah

no responses
Saturday May 27, 2017 - 12:07 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Wararka ka imaanaya gobolka baay ayaa waxa ay sheegayan in ciidamada dowaldda iyo kuwa amisom ay shabaab kala wareegeen deegaanka goof-gaduud iyo deegaano hoos yimaada magaalada baydhabo ee xarunta gobolka baay.

Ciidamada huwanta ayaa gudaha u galay goof gaduud iyo deegaano hoosyimaada baydhabo oo alshabaab ay gacanta ku haayeen .

Wasiirka warfaafinta xukuumadda soomalia abdirahmaan cusmaan cumar eng yariisow ayaa goordhaw bartiisa facebooka kusoo daabacay in ciidamada amisom iyo kuwa dowladda ay la wareegeen deegaanka goof-gaduud iyo deegaano kale.

” Geesiyaasha Ciidanka XDS oo kaashanaya AMISOM ayaa Al-Shabaab ka saaray Goof-Gaduud iyo deegaano hoos yimaado Baydhabo” ayuu bartiisa kusoo qoray wasiir yariisow.

 

Facebook Comments