DEG DEG: Ciidamada Amisom oo lagu wareejinaayo Xarunta Aqalka Sare Kadib markii guddoonka…..

0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa fadhigii maanta ee Golaha yeesheen ka sheegay in Ciidamo AMISOM oo suga amniga xarunta dhowaan la keenayo.

Cabdi Xaashi ayaa sheegay in arrintan ay muddo soo socotay, isla markaana horay codsi ugu direen AMISOM, kana soo jawaabeen sida uu hadalka u dhigay.

“Aqalka Sare go’aan buu ka gaaray oo la leeyahay waa in la keenaa AMISOM, qoraal baan u dirnay, waana naga soo aqbaleen, waa sugeynaa”ayuu yiri Guddoomiye Cabdi Xaashi.

Gudoomiyaha Aqalka Sare ee dalka Cabdi Xaashi, ayaa sheegay in AMISOM ay u qoreen qoraal ay ku dalbanayeen in ciidamo la keeno Xarunta Aqalka Sare.

Wuxuu sheegay qoraalkaasi AMISOM inuu gaaray, ayna rajeynayaan in ciidamada AMISOM la keeno Xarunta Golaha Aqalka Sare oo hadda ay illaaliyaan amnigiisa ciidamada dowladda.