Ciidamada Amisom oo gabi ahaan la wareegay Ammaanka Xarunta Baarlamaanka Maxaase Hadda socda?

0

Ciidamo ka tirsan Amisom ayaa saakay la geeyay xarunta golaha shacabka oo shalay ay la wareegeen ciidamo boolis ah.

Ciidamadaan oo boqol kor u dhaafaya ayaa saakay la wareegay ammaanka xarunta golaha shacabka waxaana xusid mudan in horay ay xarunta u joogeen ciidamo Amisom ah Balse hadda la kordhiyay oo Ammaanka ay la wareegeen.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa shalay sheegay in xarunta golaha shacabka ay la wareegeen ciidamo uu soo diray Ra’isul wasaare kheyre waxaana hadalka jawaari beeniyay wasaaradda amniga iyo taliska booliska.

Xarunta golaha shacabka ayaa tan iyo shalay waxaa isu bed bedelaayay ciidamo kala duwan inkastoo wasaaradda amniga ay beenisay in xarunta ay la wareegeen ciidamo gaar ah.