Breaking News Somali News

DEG DEG: Ciidamada AMISOM oo Dad shacab ah si Arxan daro ah ugu xasuuqay Deegaana Calamada ee Duleedka Muqdisho

Wararka ka imaanaya Deegaanka Calamada ee Gobolka Shabeelada Hoose ayaa waxa ay sheegayan in Ciidamada AMISOM ay goordhaw dad shacab ah ku xasuuqeen Deegaanka.

Gaari Nooca ay soomalida u taqaan Homey ayaa waxaa la shegay in uu dar daray Gaari ay leeyihiin Ciidanka AMISOM waxaana la sheegay in qasaaro kala duwan uu ka dhashay.

Gaariga waxaa saranay dad shacab ah oo lagu qiyaasay 18-20 Ruux oo rakaab ah waxaana uu ku sii jeeday Dagmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Qof goob jooge ah ayaa sheegay in uu arkay Meydadka Dad shacab ah oo si Arxan daro ah ay Ciidanka Gaariga ugu marsiiyeen iyo dhaawacyo Halis ah oo shacabka soo gaaray.

Inta la xaqiijiyay ilaa 5 Ruux ayaa shilkaan ku dhimatay Halka 10 Ruux kale ay dhaawac Halis ah soo gaaray sida Goob joogayaal ay sheegen.

Gawaarida Ciidanka AMISOM ayaa la sheegay in ay ahaayeen ilaa laba gaaro oo Nooca qafilan ah waxaana la sheegay in Labadoodaba ay dar dareen gaariga Shacabka ah kii koowaad ayaa maray hadana kii labaad ayaa dhameystiray dadkii ka bad baaday shilkii hore sida goob joogayaal ay xaqiijiyeen.

Ciidankii AMISOM ee Falkaan geestay ayaa la shegay in ay goobta ka dhaqaaqeen iyagoona ku xarooday Xerada Arbacow ee ku tala Deegaanka Ceelasha Biyaha.

AMISOM weli kama aysan hadlin Xasuuqaan ay Ciidankeeda geesteen sidoo kale Maamulka Deegaanka Calamada isagana kama uusan hadlin shilkaan Naxdinta badan.

AMISOM ayaa shabeelada Hoose ku xasuuqday Dad badan oo shacab ah tan iyo markii ay shabaabka kala wareegtay mana jirto Cid ilaa iyo hada si dhab ah uga hadashay Xasuuqa Ciidamada AMISOM ay ka geestaan Gobolka shabeelada Hoose.

Related posts

Dhagayso:- Madaxweyne Gaas ” Anaga Kismaayo Waxaan Geynay Aragtida shacabka ee 4.5

Tifaftiraha K24

DHAGEYSO: Xabad Joojin Rasmi ah oo Galkacyo looga Dhawaaqay iyo Odayaasha Labada Maamul oo Tagi doona Goobihii lagu dagaalamay+Sawirro

Tifaftiraha K24

Xasaasi Dhageyso: Ciidamo Kumaandoos ah oo Maanta lagu Arkay Magaalada Galkacyo Maxaase hada ka cusub Magaalada????

Tifaftiraha K24