Animation

DEG DEG: Cabdi Waaxid Cilmi Goonjeex oo kusoo Baxay Kursiga Todobaad ee Aqalka Sare Galmudug

no responses
Sunday October 16, 2016 - 10:21 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Xidlhibaanada Galmudug ayaa doortay Kursiga Todobaad ee Xubnaha Aqalka sare ee Galmudug uga qeyb galaaya Dowlada Soomaliya.

Doorashada oo Maanta Cadaado ka socota Xildhibaanada waxay doorteen ilaa hada Laba Kursi waxaana Hada Kursiga Todobaad loo doortay Cabdi waaxid Cilmi Goonjeex.

C/waaxid Cilmi Goonjeex ayaa kaga guuleystay kursiga Beesha Mareexaan labo musharax kale oo mid haweeney aheyd oo lagu kala magacaabo Aamina Cali Maxamed, Maxamed Maxamed Samatar Duraan.

Waxaa hada bilaabatay codeynta Kursiga Beesha Dir u matalaya Aqalka sare, waxaana ku tartamaya labo musharax oo kala ah Macalin Cumar Sheekh Ciise iyo Abuukar Axmed Xaashi.

Doorashada waxaa hada ka harsan Kaliya Hal Xubin oo ah Xubinta 8aad ee kamid Noqonaya Aqalka sare ee Galmudug.

Galmudug waxaa Aqalka sare uga soo aaday 8 Xubnood waxaana hada si Rasmi ah Galmdudug ay u dooratay ilaa 7 xubnood waxaana Xubnahaasi ku jira Laba Dumar ah .