Animation

DEG DEG: Cabdi Qeybdiid iyo Abshir Bukhaari oo Loo doortay Xubnaha Aqalka sare iyo Doorashada oo weli ka socota Cadaado+Sawirro

no responses
Saturday October 15, 2016 - 11:20 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada Cadaado Maanta Waxaa si Rasmi ah Uga Furmay Doorashada xubnaha u taagan Aqalka Sare ee dowladda Soomaaliya.

Xarunta Baarlamaanka Galmudug ayey toos uga socotaa Codeynta Xubnaha u tartamaya ka mid Noqoshada Aqalka sare ee Soomaliya.

Xildhibaanada Maamulka Galmudug ayaa la Filaaya in ay doortaan Ilaa 8Ruux oo Galmudug u matalaya Aqalka Sare ee Dowlada soo socota.

Wareega koowaad ayaa socota, iyadoo loo codeynayo Musharaxiiinta Kamaal Guutaale, Axmed Cabdi Qoor Qoor iyo Abshir Buqaari.

Abshir Bukhaari ayaa ku guuleystay codod dhan 48 cod, halka Axmed Cabdi Kaaiye Qoor Qoor uu helay 23 cod, iyadoo Kamaal Gutaale uu helay 16 cod.

Senator-kii ugu horeeyey ee Aqalka sare ee Soomaaliya Hada waxaa Noqday Xildhibaan Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) oo ahaan jiray Agaasimihii Madaxtooyada dowladdii KMG aheyd.

Sidoo kale Waxaa hada soo Baxay General cabdi xasan Cawaale qeybiid oo Isna ay Mudanayaasha u Codeeyen waxaana Harsan ilaa 6 Xubnood.

Cabdi Qeybdiid ayaa ka guuleystay Musharaxa  Maxamed Xuseen Tahliil oo kula tartamayay Kursiga Beesha Sacad ee Aqalka sare.

Sidoo kale waxaa ku xiga doorashada kursiga Beesha Murusade oo ay ku tartamayaan Cabdi Axmed Dhuxulow Dhegdheer iyo Luul Maxamed Sheekh Cusmaan.

Galmudug waxa ay Noqoneysa Maamul Goboleedkii Ugu Horeeyay ee Deegaanadeeda ka Bilowday Doorashada Xubnaha Aqalka sare.

Xubnaha Aqalka Sare ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa u tartamaya ku dhawaad 19 musharax , waxaana looga baahan yahay oo keliya 8 xubnood.

Doorashada Weli wey socotaa waxaana dhiman in Xildhibaanada ay u Codeeyaan ilaa 6 Xubnood oo kale kuwaasi oo kamid Noqonaya Xubnaha Aqalka sare sidaasi wadarta guud waxa ay ku Noqoneysa 8 Xubnood oo Aqalka sare ah.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada 

2-6 3-6 4-4 5-3 6-4