DEG DEG: C/wali gaas oo looga yeeray Imaaraat-ka carabta iyo qorshaha safarkiisa oo laga war helay

0

Hogaamiyaha dowlad goboleedka Puntland C/wali maxamad cali gaas ayaa maanta ka dhoofay magaallada Boosaaso ee xarunta gobolka bari isagoo ku wajahan dalka isutaga imaaraat-ka carabta.

Gaas ayaa looga yeeray Imaaraat-ka isagoona deg deg u aqbalay codsiga uga yimid Madaxda dalka Imaaraat-ka carabta.

Imaaraat-ka carabta oo aad ugu fashilmay siyaasadda faragalinta uu dowladda soomalia ku waday ayaa markaan u weecday in Madaxda Maamul goboleedyada oo uu xiriir wanagsan kala dhaxeeyo in uu u adeegsado ka horkeenista dowladda dhexe iyo in qalalaaso lagu abuuro dowladda federaalka.

Safarka gaas ee Imaaraat-ka carabta wuxuu hor dhac u yahay hogaamiyeyaasha dowlad goboleedyada Jubbaland iyo koonfur galbeed oo iyagana looga yeeray Imaaraat-ka carabta.

Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda Imaaraat-ka carabta ayaa dhawaan sheegay in ay doonayan Midnimada Soomaaliya ayna aqoonsanen maamulka soomaliland la magac baxay isagoona qiray in heshiiska dekedda berbera laga soo saxiixay Muqdisho ayna kala heshiiyeen dowladdii madaxweyne xasan sheekh taasi oo niyad jab iyo khilaaf ku abuurtay maamulka soomaliland.