Animation

DEG DEG: Boqortooyada sacuudiga oo muqdisho diyaarad qaas ah uga qaaday wasiiradii ugu badnaay ee xukuumadda ka tirsan

no responses
Wednesday June 7, 2017 - 3:43 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada muqdisho waxaa maanta ka ambabaxay wasiiro ka tirsan xukuumadda soomalia kuwaasi oo kusii jeeday dalka boqortooyada sacuudiga.

Ilaa lix wasiir oo xukuumadda ra’isul wasaare kheyre ka tirsan ayaa ka dhoofay garoonka diyaaraddaha aadan cadde.

Boqortooyada sacuudiga ayaa diyaarad qaas ah usoo dirtay wasiiradaan maanta ka dhoofay magaalada muqdisho ee kusii jeeda magaalada riyadh ee caasimadda dalka sacuudiga.

Wasiiradaan ayaa la sheegay in sacuudiga ay u tagayaan sidii heshiisyo ugala soo saxiixan lahaayeen dowladda dalkaasi taasi oo ka dambeysay booqashadii madaxweyne farmaajo uu ku tagay dalka sacuudiga markii la doortay.

Wafdigan Wasiiradan ayaa waxaa hoggaaminayay Wasiirka Qorsheynta Amb. Jamaal, waxaa xubno ka ahaa Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Wasiirka Ganacsiga iyo wasiiro kale.

Socdaalka wasiiradaan ka tirsan xukuumadda soomalia ayaa kusoo aadaya iyadoo khilaaf xoogan uu ka dhexjiro dowladda qadar iyo dowladdo khaliijka ka tirsan oo boqortooyada sacuudiga ay hor boodeyso.

Dowladda soomalia waxa ay mowqif cad iska taagtay khilaafka dalalka khaliijka waxaana ay ku baaqday in wada hadal lagu dhameeyo khilaafka dalalka carbeed soo kala dhex galay.