Animation

DEG DEG: Boqolaal ka Tirsan Ciidanka Amisom oo Maanta lagu Arkay Magaalada Cadaado Kadib Markii la sheegay in…..

no responses
Sunday October 23, 2016 - 11:29 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka aynu ka heleyno Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayan in Maanta Halkaasi ay gaareen Qaybtii ugu horraysay Ciidammo ka socda Howlgalka Nabad Ilaalinta AMISOM.

Ciidanka Amisom ee Gaaray Magaalada Galkacyo ayaa tiradooda lagu sheegay in Boqol ay gaarayan Waxaana Ciidamadaasi u dhasheen Wadamada Jabuuti iyo Burundi oo qeyb ka ah Howlgalka Nabad Ilaalinta Amisom ee Soomaliya.

Ciidankaan ayaa loogu tala galay in ay Sugaan Ammaanka Goobaha ay ka dhaceyso Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose oo Cadaado lagu wado in ay ka dhacdo.

Afhayeenka Cusub ee Madaxtooyada Galmudug Cabdulahaai Xaashi Faarax” Roobda’ay ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidamo ka tirsan Amisom ay Maanta gaareen Magaalada Cadaado Isagoona sheegay in Ciidamo kaloo dheeri ah ay Tagi doonan Cadaado si ay uga qeyb qaataan Sugitaanka Ammaanka Goobaha ay ka dhaceyso Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose.

Ciidamada Amisom ayaa sidoo kale la sheegay in la geyn doono Magaalooyinka kale ee Dalka kuwaasi oo ay ka dhici doonan Doorashooyinka.