Animation

DEG DEG: Banaanbax weyn Rabshadna wata oo ka bilawday Gaalkacyo & Xiisad culus oo..

no responses
Wednesday September 28, 2016 - 11:36 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

War hada naga soo gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya inuu ka socdo bannaanbax weyn oo looga horjeedo duqeyn xalay ka dhacay Bariga Mudug.

Dibad-baxaan ayaa waxaa isugu soo baxay dadweyne fara badan oo Koonfurta Gaalkacyo ku nool, waxayna uga horjeedaan duqeyn diyaarado Dagaal oo loo maleynayo in Mareykanku leeyahay ay ka geysteen degaanka Jeexdin, ee Bariga Gobolka Mudug oo lagu dilay ciidamo ka tirsan Galmudug.

Arirntan ayaa xiisad ka abuurta magaalada Gaalkacyo, waxaana muuqata in Mareykanka uu markan ku dhex dhacay xiisad beeleed oo ka jirta gobolka Mudug.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka so baxay Maamulada Puntland. Galmudug ayaa dhinaceeda ay ka soo yeereen warar is khilaafsan oo qaarkood ay sheegayaan in ciidamo la duqeeyay, halka warar hore ay sheegeen inay shacab ahaayeen dadka la dilay.