DEG DEG: Baarlamaanka oo Dood kulul ka yeelanaya Heshiiska Dekedda Berbera iyo DP-world oo Dalka laga saari doono

0

Xildhibaanada baarlamaanka federaalka ayaa dood kulul oo ku saabsan heshiiska dekedda Berbera waxa ay hadda ku leeyihiin xarunta golaha shacabka ee magaalada muqdisho

Dooda xildhibaanada ayaa ah mid xasaasi ah waxaana baarlamaanka la filaya in xeer uu ka soo saaro heshiiska maamulka soomaliland uu la galay DP-World Imaaraat iyo Dowladda Itoobiya oo Dekedda Berbera Saami ku yeelatay.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in baarlamaanka federaalka uu soo saaro xeer culus oo DP-World looga mamnuucaayo dalka soomalia iyadoo heshiisyadii ay gashay oo dhan laga dhigi doono waxba kama jiraan.

Wixii warar ah ee kusoo kordhaa kulanka baarlamaanka waan idinla socod siin doonaa hadii alle idmo