Animation

DEG DEG:- Axmed Madoobe oo usoo Gudbaya Gaalkcyo & Nabadaynta Labada dhinac

no responses
Sunday November 29, 2015 - 1:45 under Breaking News by admin
mqdefault

Waxaa kasocdaaya magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo wafdi uu hogaaminayo kuwaas oo ka qayb qaadanaya Dajinta colaada kataagan Gaalkcyo.

Madaxweynaha ayaa Garowe kula kulmay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas waxaana ay kawada hadlen xiisada kataagan Gaalkcyo iyo Waliba baaqyada ku aadan in Xiisada la damiyo maadamada dad shacab ah ay ku barakaceen.

Sido kale Wararka Hoose ee kismaayo24 helayso ayaa la sheegaya in uu imaan doono gaalkcyo Ra”iisul Wasaaraha somalia Cumar Cabdirashiid uuna ka qayb qaadan doono waan waanta laga dhex wado labada dhinac.