Animation

DEG DEG:-AMISOM oo isaga baxday deegaan muhiim ah iyo maleeshiyada Al-Shabab oo gacanta ku dhigay deegaan kaas

one response
Friday November 13, 2015 - 11:03 under Breaking News by admin
mqdefault

War goordhow naga soo gaaray Gobolka Shabeelada Dhexe, ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM ay isaga baxeen deegaano hoostaga Gobolkaasi.

Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi, ayaa faarujiyay deegaanka Fiidow ee Gobolkasi, waxaana lasoo warinayaa in halkaasi ay kala baxeen dhamaan agabkooda Ciidan.

Ciidamadaani AMISOM ayaa halkaasi kala baxay ku dhawaad 9 gaari nooca gaashaaman ee dagaalka, iyaga oo xarumo kale ka sameystay deegaano kale oo hoostaga Gobolka Shabeelada Dhexe.

Ka bixitaanka AMISOM kadib ayaa waxaa halkaasi Xarun ciidan ka dhigtay Maleeshiyaadka Al-shabaab oo iyaga markii hore ku sugnaa Tuulooyin dhowr iyo toban

KM ka fogaa deegaanka Fiidow.

Al-shabaabka halkaasi fariisinta ka dhigtay ayaa waxa ay wateen gaadiid Ciidan oo qiyaastii lagu sheegay 5 iyo Ciidamo aad u farabadan.

Lama oga sababta ka danbeysay in Ciidamada AMISOM ay isaga baxaan Deegaankaasi.

kismaayo24.com