Animation

DEG DEG: Alshabaab oo Toos ula Wareegay Deegaanka Halgan oo Saakay Ciidanka Itoobiya ay Ka baxeen Maxaase Hada ka Cusub Halgan?????

no responses
Sunday October 23, 2016 - 9:45 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka ka Imaanaya Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayan in Saakay Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowlada Federaalka ay isaga Baxeen Deegaankaasi.

Halgan Waxaa Saldhig weyn ku lahaa Ciidamada Itoobiya iyadoona Dhowr jeer oo hore Halkaasi weerar Culus ay kusoo qaadeen Alshabaab.

Lama Oga Sababta Ciidanka Itoobiya ay uga Baxeen Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Wararka qaar ee aan heleyno waxa ay sheegayan in Ciidanka Itoobiya Marka ay Deegaanka ka baxayeen in Horay ay usii Raaceen Ciidamada Soomaliya iyo Maamulkii Deegaanka Halgan ka Ariminaayay ee Dowlada Federaalka.

Dhinaca kale Alshabaab ayaa Durbadiiba la wareegay Deegaanka Halgan Marka ay Ciidanka Itoobiya iyo kuwa Soomaliya ay Faarujiyeen.

Dagaalyahano badan oo ka tirsan Alshabaab ayaa gudaha u galay Halgan Gacan ku heynta Magaaladana si Rasmi ah ula wareegay.

Ka bixitaanka Ciidanka Itoobiya ee Deegaanadii ay Gobolada Dalka kaga sugnaayeen ayaa waxaa la sheegaya in ay Sabab u tahay Kacdoonka ka socda Wadanka Itoobiya Iyadoona Dowlada wadankaasi ay Ciidankeeda ku Amartay in Soomaliya ay Isaga soo baxaan si wadankooda u Difaacdaan.