Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Breaking News Somali News

DEG DEG: Maxaadan Ogeyn oo Cawada laga soo sheegaya qeybo kamid ah Dagmada Afgooye??

Dagaalyahanada Alshabaab ayaa galabta Galinkii dambe waxa ay weerar Dhowr jiho ah waxa ay kusoo qaadeen Dagmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Dagaal culus ayaa waxaa uu duleedka Magaalada ku dhexmaray Dagaalyahanadii weerarka soo qaaday iyo Ciidamada Dowlada oo Magaalada Difaac kaga jira.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in gabi ahaan ciidamada Alshabaab ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta degmada Afgooye oo ay ugu horeeyaan saldhiga iyo dhismaha xarunta maamulka ee degmadaasi.

Ciidamada Alshabaab ayaa la sheegay in ay xoog kusoo dhaafeen Difaacyada Ciidamada Dowlada hadana ay ku suganyihiin qeybo kamid ah Magaalada Afgooye.

Dadka ku nool Afgooye ayaa sheegay in xoogaga Alshabaab ay hada Maamulayan xaafado magaalada ka tirsan dadkuna ay guryahooda ku jiraan .

Qasaaraha ka dhashay Dagaalka lama oga maadama xili habeen ay tahay iyadoona Saraakiisha Ciidamada Dowlada ay ka gaabsadeen in wax faah faahin ah ay ka bixiyaan Dagaalka Afgooye ka dhacay.

Waa weerarkii Seddexaad oo Mudo Bil gudaheed Alshabaab ay kusoo qaadaan dagmada Afgooye iyadoona dagaaladaasi shabaabka kula wareegayan qeybo kamid ah Dagmada Afgooye.

Afgooye ayaa hada waxa ay Noqotay Furin dagaal oo ay Markasto shabaabku weerar kusoo qaadaan.

Related posts

Faah Faahin: Ilaalada Xildhibaan Abuukaate oo Muqdisho ku dilay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug+Magaciisa

admin

XOG: Dhuusamareeb oo Cirka isku Shareertay iyo Cadaadoo ciida sii eegaysa iyo Sare ukac ku yimid Qiimaha Guryaha dhuusamareeb.

gurey

Mareykanka oo si rasmi ah u shaaciyay duqeyn lagu dilay hogaamiyihii alshabaab ee G.banaadir

Tifaftiraha K24