Animation

Deg Deg:- Al-shabaab oo Saaka qabsaday Degmo Muhiim ah.

no responses
Saturday September 5, 2015 - 7:54 under Somali News by admin
mqdefault

Wararka ka imaanaya Gobolka shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Degaanka Ceel-siliindi oo u dhexeeya Nr 50 iyo nr 60 ee Gobolka Shabellaha Hoose ay iskaga baxeen Ciidamada AMISOM,waxaana isla Saaka la Wareegay Xarakada Al-shabaab.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Xalay Fiidkii ay Ciidamada AMISOM ay Faarujiyeen Degaanka oo ahaa Goob Muhiim ah.

Sidoo kale Dadka Degaanka ayaa soo sheegaya in Boqolaal ka tirsan Ciidamada Al-shabaab ay Saaka soo galeen Degaanka,kuwaas oo hada ku sugan.

Ciidamada AMISOM ayaa shalay ka baxay Degmada Kuntuwaareey ee Gobolka Shabellaha Hoose,iyadoo ay Al-shabaab la wareegeen halkaa,waxaana ay ku soo aadeysaa xili Weerar Culus Ciidamada AMISOM loogu geeystay Magaalada Janale.