Animation

DEG DEG: Al-shabaab oo laayay Askar kenyaan ah gacantana ku dhigay Saraakiil…

no responses
Friday September 23, 2016 - 11:16 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab ayaa la sheegay inay weerar kadis ah ku qaadeen Saldhig Bolis oo ku yaalla Deegaanka Haameey oo hoos taga Degmadda Wajeer ee W/bari Kenya,

Afhayeenka Al-shabaab ugu qaabilsan Hawlgalladda, Sheekh C/casiis Abu Muscab ayaa sheegay inay Dagaalamayaasha Alshabaab weerarkaasi ku dileen 6 Askari, iyadoo 2 kalena nolosha ku qabtay.

Afhayeenka Boliska Kenya, George Kinoti ayaa isagn qiray in weerarkaasi looga dilay 6 Askar, isla markaana ay la’ yihiin 2 Sarkaal oo ay Al-shabaab gacanta ku dhigeen.

Dadka Degaanka Haamsey ayaa sheegay inay Dagaalyahano badan oo Alshabaab gudaha u soo galeen Deegaankaasi, isla markaana ay dagaal kula wareegeen Saldhigii Boliska.

Hawlgalka ay Dagaalamayaasha Xarakadda Al-shabaab ku qaadeen Deegaanka Haamey ee duleedka Degmdda Wajeer ayaa ku soo beegmayo iyadoo Hay’addaha Ammaanka Kenya cabsi xooggan ka muujiyeen Weeraro kaga yimaada Dagalamayaasha Al-shabaab.