Animation

DEG DEG: Akhriso Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Ka soo Jeeda Soomaliland ee ku jira Dowlada Federaalka oo soo saaray Go’aan Halis weyn ku ah Doorashada Soomaliya

no responses
Thursday September 15, 2016 - 1:11 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Shabakada Wararka Kismaayo24 oo aad ula socota Dhaq dhaqaaqa Arimaha Doorashooyinka iyo Siyaasada Xiligaan kala guurka ee Soomaliya ayaa waxa ay heshay Warqad Qoraal ah oo ay soo saareen Xubnaha Soomaliland ka soo jeeda ee ku jira Dowlada Federaalka.

Warka ay heshay k24 ayaa sheegaya in goor dhaw ay Siyaasiin iskugu jira Ra’iisulwasaare kuxigeenka dawladda Faderaalka Maxamed Cumar Carte Qaalib, Wasiiro, kuxigeeno, Xildhibaano & Odayaal dhaqan ayaa goor dhaw ku dhawaaqay go’aan ah in ay ka baxeen Doorashada Soomaaliya.

20160915_151517

War qoraal ah oo ay Saxaafada u akhriyeen, Beesha Caalamkana gaarsiiyeen waxay sheegeen in aysan marnaba aqbali doonin go’aamadii ay madashu gaartay shalay oo ku saleysanaa sida ugu wanaagsan ee doorasho looga hirgalin karo Soomaaliya.

Warka ka soo baxay Xubnaha Siyaasiyiinta iyo Salaadiinta Soomaliland ayaa lagu sheegay in aysan ka qeybgaleyn doorashada Soomaliya ka dhaceysa Dhamaadka Sanadkaan.

Halkaan Hoose ka Aqriso Warqada ay soo saareen

warqad1warqad2