Animation

DEG DEG: Akhriso Qodobo Hordhac ah oo Laga Soo saaray Kulan Xasaasi ah oo Maanta Galkacyo ku dhexmaray Waxgaradka iyo Culimada Labada Maamul

no responses
Sunday October 9, 2016 - 12:16 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Kulan maanta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ay ku yeesheen Culumada iyo Waxgaradka maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa looga hadlay colaada ka taagan magaalada Gaalkacyo iyo sida lagu xalin karo.

Kulanka oo ka dhacay Suuqa Gaalkacyo ayaa ugu horeyn lagu cambaareeyey dagaalada kusoo noqnoqday magaalada, iyadoo sidoo kale loogu tacsiyeeyey dadkii ku waxyeeloobay dagaaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Culumada iyo waxgaradka ayaa si weyn uga hadlay saameynta dagaalada ay ku yeesheen dadka shacabka ah, waxaana ay bogaadiyeen in si dhab ah laisaga kaashado in hal meel looga soo wada jeesto colaada.

Qodobada Hordhac ah ay soo saareen waxaa ka mid ah  
1 in Deg Deg Xabado loo Joojiyo.

2 in laga Wada Hadlo Wixii Dagaalka Dhaliyay.

3 in Laga Hortago Waxa Keeni Kara in Colaad iyo Dagaal.

Sheakh Muxyadiin Yuusuf Bare oo kamid ah xubnihii ka qeyb galay kulanka ayaa sheegay in Maamulada Puntland iyo Galmudug ay si adag u fareen in si deg deg ah xabada loo joojiyo, sidoo kalena lakala qaado ciidamada ishorfadhiya, iyadoo intaasi kadibna la bilaabayo wada hadal dhab ah oo looga arinsanayo in mar kale aanu dib usoo laaban dagaalka.

Waxgaradka iyo Culumada Gaalkacyo ayaa baryihii dambe ku howlanaa sidii loo joojin lahaa dagaalka Gaalkacyo, iyaga oo kaashanaya shacabka magaalada.

Facebook Comments