Animation

DEG DEG: Akhriso Madaxweynaha Puntland oo Warqad ay ku qorantahay Go’aan Culus usoo diray Guddiga Doorashooyinka Dadban

one response
Wednesday November 30, 2016 - 8:06 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Maamulka Puntland ayaa shaaciyay in ay ka Noqdeen Go’aankii dhawaan ay ku hakiyeen Doorashada Kuraasta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka soomaliya taasi oo ka socotay Magaalada Garoowe.

War qoraal oo loo diray Guddiga Doorashooyinka ayaa lagu shaaciyay in Puntland ay ka laabatay Go’aankii ay ku hakisay Doorashooyinka Aqalka Hoose.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban Cumar Dhagey ayaa Warbaahinta u sheegay in Puntland ay ka laabatay Go’aankii ay horay ugu hakisay Doorashooyinka.

Abuukaate Cumar Dhagey Wuxuu sheegay in Warqad uu usoo diray Madaxweyne Gaas taasi oo uu Gaas ku Cadeynaayo in maamulkiisa uu ka laabtay Go’aankii Horay loogu joojiyay Doorashada Kuraasta Aqalka Hoose ee Garoowe .

Doorashada ayaa la filaya in Garoowe ay dib uga bilaabato Maadama Maamulka Puntland uu shaaciyay in Go’aankoodii hore ay ka noqdeen.