Breaking News Somali News Top News

DEG DEG AH: Diyaarado Dagaal oo Dul heehaabaya Meel uu ku sugan yahay Hogaamiyaha Al shabaab

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in Maanta qeybo ka mid ah gobolkaas lagu arkay Diyaarado dagaal oo jawi Hoose ku duulaya, waxayna beegsanayaan Hogaamiyaha Al shabaab.

Dadka deegaanka qaarkood ayaa waxa ay sheegeen in Diyaaradahaan oo jawi hoose ku socda lagu arkay tuulooyin hoostaga degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo.

 

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Gedo ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in tuulooyin ka tirsan gobolka Gedo lagu arkay Hogaamiyaha Al-Shabaab taas oo keentay in Diyaaradaha ay halkaasi tagaan in kastoo aysan jirin Warar madax banana oo xaqiijinaya..

Weli lama shaacin duqeymo ay diyaaradahaas fuliyeen basle dadka deegaanka waxa ay sheegayaan in ay casbi soo wajahday maadaama Diyaaraduhu laga yaabo in ay duqeyn geystaan.

Xaalada tuulooyin hoostaga degmada Garbahaareey ayaa Maanta ah mid kacsan,iyada oo dhaq dhaqaqyo ciidan laga dareemayo halkaas.

Related posts

Warbixin: Madaxweyne Guuleed Oo Afka Furtey Waxyaabo Badana Ka Hadley, Isagoona Dhanka Kale

Tifaftiraha K24

DEG DEG: Dhageyso Soomaliland oo Xabsiga dhigtay masuuliyiinta urur diimeed cusub oo dhawaan hargeysa looga dhawaaqay

Tifaftiraha K24

Hooyadii dhashey wiilkii taayarka Diyaaradda raacey oo loo………….

admin