DEG DEG: Afar Musharax oo isugu soo hartay Wareegga labaad ee doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka

0

Wareega Labaad ee Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa isku soo haray Afar Musharax oo kala ah Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdi raxmaan oo helay 83 cod, Xildhibaan Ibraahim Isaaq yarow oo helay 69 cod, Xildhibaan C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen oo helay 54 cod iyo Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla oo helay 19 Cod.

Ilaa afar musharax ayaa ugu cod badiyay codadkii wareegga koowaad ee doorashada la dhiibtay waxaana ay u gudbeen wareegga labaad ee doorashada oo ay ku tartami doonan.
1- Musharax Maxamed Mursal Sheekh Cabdi raxmaan ( 83 Cod)
2- Ibraahim Isaaq yarow ( 69 Cod)
3- Musharax C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen.( 54 Cod)
4- Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla. ( 19 Cod)