DEG DEG : Abiy Ahmed oo Noqon doona Ra’isul wasaaraha Dalka Itoobiya

0

Abiy Ahmed ayaa loo doortay guddoomiyaha Xisbiga EPRDF  taasoo ka dhigan Abiy uu noqon doono Raysalwasaaraha Itoobiya.

Abiy ahmed wuxuu ka soo jeedaa Qowmiyada Oromo oo ah tan ugu wayn dalka Itoobiya sidoo kale waxaa ku xigeen loo magacaabay Demeke Mekonnen Hassan oo isna ka soo jeeda qowmiyada Amxaarada waana nin muslim ah wuxuuna noqon doona ku-xigeenka Ra’isul wasaaraha Itoobiya.

Itoobiyaa gashay qalalaaso iyo rabshaddo waxaana la filaya in maamulka cusub uu isbeddel muuqda la yimaado.